Siyaasiyiin musharixiin mucaarad ah oo u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya oo magaalada Beledweyne gaaray maanta ayaa ka hor yimid shirka Jowhar.
Siyaasiyiintan iyo ugaasyo uu ka mid yahay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa shir gaara yeeshay iyadoo xaflad soo dhoweyn ah ay ka dhacday Baarka Xasan Dhiif, halkaasoo ay siyaasiyiintan ka shaaciyeen inay ka horjeedaan shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ka socda Jowhar iyo in la isku daro labada gobol.
Siyaasiyiinta waxaa ka mida:
- C/weli Sheekh Axmed
- C/raxmaan C/shakuur Warsame
- Maxamud Axmed Nuur Tarsan
- C/raxmaan C/llaahi Baadiyow
- C/llaahi Goodax Barre
- iyo xubno kale.
Siyaasiyiinta iyo ugaaska ayaa la arkayay iyagoo gacmaha is heysta, waxaana Ugaaska Beesha Xawaadle u muuqataa inuu si rasmi ah mucaarad u noqday.
DAAWO SAWIRRO
Goobjooge.com