Dhaawacyo gaaraya 35 qof oo ka mida kuwii ku waxyeeloobay Qarixii argagixiso ee Muqdisho ayaa caawa ka degay magaalada Ankara ee dalka Turkiga.
Waxaa garoonka Ankara ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin, ururka bisha cas ee Turkiga, saraakiil iyo howlwadeennada caafimaadka, iyadoo si degdeg loogu qaaday isbitaaladii hore loogu diyaariyay.
Qof waliba oo dhaawac ah waxaa lasocda qof ehel u ah oo wehliya, waxaana halkan hoose idin ku soo ururinay socdaalkii dheeraa ee Muqdish ilaa Ankara iyo sidii loo dejiyay dhaawacyadaasi.
DHAAWACYADA OO DIYAARAD SAARAN KU JIRA DUULIMAAD
MADAX IYO GURMADKA DEGDEGA AH OO GAROONKA ANKARA KU SUGAYA
DEJINTA DHAAWACYADA OO SOCOTA
DHAMMAAD