Sunday, July 13, 2025

DAAWO SAWIRRO: Shan arrimood oo ku saaban nolosha Ilhaan Cumar

Ilhaan Cumar oo 34 sano jir ah ayaa taariikh sameysay ka dib markii ay noqotay qofkii ugu horreeyay oo Soomaali ah oo xildhibaan ka noqdo dalka Maraykanka.

Halkan ka akhriso shan arrimood oo ku saabsan Ilhaan.

  • Waxay Soomaaliya ka qaxday xilligii dagaalka sokeeye iyadoo 8 sano jir ah
  • Muddo afar sano ayay ku nooleyd xerada qaxootiga ee Dhadhaab
  • Waxay Maraykanka tagtay iyadoo 12 sano jir ah
  • Eryada Ingirriska ee ay garaneysay markii ay Maraykanka gaartay waxay ahaayeen “hello” iyo ”aamus” oo kali ah
  • Waxay noqotay qofkii Soomaaliga ahaa ee ugu horreeyay ee lagu doorto Maraykanka.

Khudbad ay jeedisay markii loo doortay xilkaasi ayaa waxay tiri, “Waxaad horay iigu oran jirteen waxaan kuu rajeynaynaa guul, balse caawa guushii waan gaarnay. Guushan waxay ku timid dadaalkii aad gasheen. Waad i aaminteen. Markii aan ololahan billaabay Soomaalida way i garab istaagtay. Waxay ogsoonyihiin in taariikhda aan sameynay ayaa saameyn ku yeelan doonto mustaqbalka gabdhaheena”

 

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON