Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed Gen. Maxamed Sheekh Xasan ayaa socdaal ku jooga magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud isagoo halkaasi kulamo kula qaatay mas’uuliyiinta maamulka Galmudug iyo saraakiisha ciidamada Booliska, wuxuuna dhowaan booqday maamulka Puntland.
Waxaa si diiran u soo dhoweeyay xubnaha maamulka Galmudug iyo ciidamada Booliska wuxuuna tababar u soo xiray ciidamo boolis ah. Taliyaha oo Safar dhulka ah uga soo baxay Magaalada Gaalkacyo ayaa degaanka Galinsoor ee Gobolka Galgaduud waxaa uu Tababar ugu soo xiray 83 Askari oo ka mid noqonaya Ciidamada Booliska Maamulka Galmudug.
Madaxweyne Kuxigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey oo ka mid ahaa Mas’uuliyiintii Taliyaha soo dhaweeyay ayaa Tilmaamay in ay soo dhaweynayaan Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya.
Sidoo kale Taliyaha Ciidamada Booliska Sareeyo Guuto Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa sheegay in Magaalada Cadaado uu u tagay sidii uu ugu kuur gali lahaa Xaalada Ciidamada Booliska Maamulka Galmudug ay ku sugan yihiin islamarkaana baahiyaha uu arko uu u gudbin doono Madaxda ka sareeysa ee Dowladda Soomaaliya.
DAAWO SAWIRRADA BOOQASHADA TALIYAHA
p>