Sunday, July 13, 2025

DAAWO SAWIRRO: Ugaasyadii ku sugnaa Beledweyne oo maanta ku biiray Shirka Jowhar

Ugaasyadii ugu danbeeyay ka horjeeda shirka Jowhar kuna sugnaa magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa maanta ku biiray shirka Jowhar.

Ugaasyadan oo Muqdisho yimid ayaa maanta tegay magaalada Jowhar, waxayna  kala yihiin: Ugaas Cali Ugaas Muxumad Shafeec oo ahaa afhayeenkii duubabka Hiiraan iyo Ugaas Cali Ugaas Xasan Raage oo labaduba ahaa duubabkii ugu danbeeyay ee ka maqnaa shirka Jowhar.

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaliya mudane Cabdirxmaan Xuseen Odawaa ayaa Ugaasyada soo dhoweyn u sameeyay, kuna qaabilay Xarunta Maamulka Gobolka ee magaalada Jowhar.

Duubka kaliya ee ku haray magaalada Beledweyne ayaa hadda ah Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo isna la sugayo inuu tago magaalada Jowhar.

DAAWO SAWIRRO

ugaas-03ugaas-02ugaas-01ugaas-04Goobjooge.com

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON