Waxaa magaalada Muqdisho lagu qabtay markii ugu horeysay xus loogu dabaaldegay maalinta xoriyadda Mareykanka ee 4-ta July.
Xuskan oo lagu qabtay gudaha Xalane waxaa ka qeyb galay Ra’iisal wasaare ku xigeenka, madax ka tirsan Golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya, madax kale iyo diblomaasiyiin.
Safaaradda Mareykanka ayaa hore hambalyo ku saabsan 1-da Luulyo u soo dirtay madaxda Soomaaliya. Mareykanka ayaa sanad kasta looga dabaaldegaa maalinta xoriyadda dalkaasi ee 4-ta July oo ku beegan markii Mareykanka xoriyadda ka qaatay gumeystihii Ingiriiska sanadkii 1776, kadib dagaal gobanimo doon ah oo ay galeen.
SAWIRRO