Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Gelle Xaaf iyo Madaxa Xukuumada Galmudug Sheekh Axmed Shaakir Cali Xasan ayaa wadajir maanta Kormeer ku maray qaar ka mida xarumaha maamulka Galmudug ee magaaladaasi.
Xarumaha ay wadajirka u booqdeen waxaa ka mida Xarun loogu tagalay in lagu qabto Shirweynayaasha, waxayna arrintan ka dambeysay kadib markii Sheekh Shaakir uu soo dhoweeyay gogosha uu fidiyey madaxweynaha Soomaaliya.
Wadajirka labada nin ayaa loo arkaa in lagu muujinayo inuusan u dhaxeyn wax khilaaf ah, wuxuuna Xaaf isku dayey inuu booqashadan u adeegsado bandhig siyaasadeed.
HOOS KA DAAWO