Friday, April 26, 2024

Yuusuf Dabageed oo shaqada ka joojiyey saddex Mas’uul iyo Qaarkood oo ka hor yimid [Akhriso]

Gudoomiyaha Gobolka Hiraan Yusuf Axmed Hagar Dabaheed ayaa shaqadii ka joojiyey saddex masuul oo ka tirsan Maamulka Degmada Beledweyne ee Gobolka Hiraan.

Mas’uuliyiinta shaqada laga joojiyey waxaa ka mida Duqa magaalada Beledweyne Cali C/qaadir Faarax oo isagu ku gacan seyray qoraalka kasoo baxay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, wuxuuna Yuusuf Dabageed amar ku bixiyey in la xiro saddexda mas’uul.

Gudoomiyaha  Gobolka Hiiraan ayaa masuuliyiintan ku eedeeyay musuq iyo inay lunsadeen hanti dadweyne. Wararkii ugu danbeeyay ee magaalada Beledweyne ayaa sheegay inay ka jirto xiisad ka dhalatay arrintan oo u dhaxeysa Duqa magaalada iyo Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan.

Ad

HOOS KA AKHRI QORAALKA

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON