Tuesday, July 1, 2025

DAAWO: Xasan Sheekh oo xaflad loogu sameeyay Jaamacadii uu ka baxay ee dalka India (Sawirro xusuus leh)

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaabooqday magaalada Bhopal ee dalka India oo si weyn loogu soo dhaweeyay, iyadoo ay tahay magaaladii uu  uga baxay  machadka macalimiinta farsamada iyo cilmi baarista intii u dhaxeysay sanadihii 1986kii ilaa 1988kii.

Maamulka iyo macalimiinta machadka uu muddada ardayga ka ahaa ayaa xaflad heer sare ah u sameeyay Madxaweynaha iyagoo ku maamuusaya aradaygoodii hore ee madaxweynaha noqday,  Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay jaamacadda Barakatullah University oo ku taala isla magaalada Bhopal iyadoo lagu gudoonsiiyay darajada Masterka oo uu ku sameeyay Technical Edication Course intii uu wax ka baranayay dalka India waxaana uu khudbadiisa uga hadlay waayihiisii ardaynimo ee dalka India.

Madaxweynuhu waxa uu boqolaal arday ah iyo macaliinta sharaxaad dheer ka siiyay taariikhda Soomaaliya iyo xaaladda ay xiligan ku sugantahay si gaar ah dhibaatoyinkii ay soo martay iyo soo kabashadeeda,isagoo ku tilmaamay booqashada machadka iyo jaamacadda Barakatullah mid aan xusustiisa ka go,idoonin.

Duqa magaalada Bhopal ayaa qado sharaf madaxweynaha iyo xubnaha la socday  ugu sameeyay xarunta looga arimiyo maamul goboleedkaasi. Waxaana sawiradii xafladda lagu soo bandhigay ka mid ahaa isagoo arday ah oo sharaxaad ka bixinaya Jaamacadda.

DAAWO SAWIRRO

IB0A7234

IB0A7329

IB0A7342

IB0A7353

IB0A7366

IB0A7382

IB0A7417

IB0A7420

IB0A7435

IB0A7482

IB0A7489

IB0A7549

IB0A7551

IB0A7552

IB0A7558

IB0A7579

IB0A7629

IB0A7638

IB0A7701

IB0A7724

IB0A7789

IB0A7801

IB0A7828

IB0A7830

IB0A7841

IB0A7849

IB0A7857

IB0A7860

IB0A7863

IB0A7868

IB0A7886

IB0A7911

IB0A7918

IB0A7933

IB0A7946

 

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON