Xildhibaanno maanta ku shiray magaalada Muqdisho oo u badan kuwii keenay mooshinkii xil ka qaadista Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka halday tallaabooyinkii uu qaaday Madaxweynaha intii la doortay.
“Madaxweyne wuxuu dorraad soo afduubtay Muwaadinka Soomaaliyeed ee Mukhtaar Roobow, isagoo hore u siiyey Baasaboor diblomaasi ah, baabuur tiknko ahna uu Baydhaba ugu diray, markii uu ka waayey wixii uu rabayna uu aksoo afduubtay..” ayuu yiri Xildhibaan C/raxmaan Maxamed Odawaa oo taxay khaladaadka waaweyn ee uu galay Madaxweyne Farmaajo intii uu xilka hayey.
HOOS KA DAAWO