Sunday, March 26, 2023

Dab Qabsaday Isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho iyo faahfaahin…

Dab ayaa qabsaday galabta Isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho, iyadoo uuro madow iyo holac ay is qabsadeen Qeybo ka mida isbitaalka.

Isbitaalka oo ay maamusho dowlada Federaalka ayaa ku yaalla degmada Xamarjajab ee magaalada Muqdisho, waxaana agaasimaha isbitaalka uu dalbaday gurmad degdega.

Agaasimaha Isbitaalka Martiini Dr. Cabdirisaaq Yusuf Axmed Jalaludiin ayaa bartiisa Facebook ku qoray fariin uu ku dalbdalay gurmad degdega. “Fadlan naga soo gaara isbitaalka wuu gubanaa” ayuuna ku yiri qoraalkiisa.

Ad

Agaasimaha Isbitaalka ayaa sheegay in dabka uu ka kacay qeybta qaliinka ee Isbitaalka, xilli uu qaliin ku socday mid kamid ah Bukaannada, isagoo caddeeyay in lagu guulleystay in la damiyo Dabka, iyadoo ay ku dhaawacmeen saddex kamid ah Shaqaalaha Isbitaalka Martiini.

Dabka ayaa ka dhashay kadib markii ay qaraxday mid kamid ah haamaha Oxysigen ee yaallay Saalada Qalliinka.

- Advertisement -

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,959FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,958FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!