Dab xoog leh ayaa qabsaday Suuq-yaraha Sey Biyaano ee magaalada Muqdisho, kaasoo qasaare weyn geysanaya.
Dabka ayaa ka bilowday goobo ganacsi oo ku teedsan Jidka weyn ee Muqdisho-Afgooye, waxaana cirka isku shareeray Holac iyo Uuro, iyadoo ganacsatada iyo dadweynaha ay la tacaalayaan Dabka oo ka xoog badań.
Suuqa Sey Biyaano ayaa ka kooban ganacsiyo yaryar iyo kuwa waaweyn oo badeecado kala duwan lagu iibiyo, waxaana socda gurmadka daminta Dabkaasi.
Wararkii ugu danbeeya yayaa sheegaya in la damiyey inta badan Dabkii weynaa, waxaana halkaasi ku bas beelay tobanaan ganacsi, iyadoo qasaare baaxad leh uu geystay Dabka oo burburiyey qeybo badan oo ka mida Suuqaasi.
Waxaa goobta tagay Dab damisyada Gobolka Banaadir iyo Shirkada Hormuud, oo ka qeyb qaatay daminta dabkaasi.
