Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Xagar (Daba-geed) ayaa faahfaahin ka bixiyay qaraxii caawa ka dhacay gudaha Masjid ku yaala magaalada Beledweyne, Masjidkaasi oo ay ku sugnaayeen kooxo uu ku sheegay in ay ahaayeen Takfiir.
Qaraxa ayuu sheegay inuu ka dhacay masjid dhowr KM u jira magaalada Beledweyne, wuxuuna xaqiijiyay in 12 qof oo dhaawac ah ayaa laga keenay, 2 qofna ay dhimatay, xilliga qaraxa dhacay ayuu sheegay inay ahayd 09:00 fiidnimo, isla markaasina masjidka ay daaqadaha u xirnaayeen.
Wuxuu Guddoomiye Yuusuf Daba-geed caddeeyay inuu socdo baaritaan lagu ogaanayo sida masjidka wax uga dhaceen, wuxuuse ku tuhmay culimada tafiirta inay qaraxa meesha lagu farsameynayeen, balse la hubin doono ilaa berri xaalkooda.
Dhinaca kale Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Radio Muqdisho waryesi siiyay ayaa xaalad la yaab leh ka sheegay raggii takfiirka ahaa ee ku dhaawacmay qaraxa masjidka ka dhacay oo markii la keenay Isbitaalka Beledweyne ay diideen in la daweeyo iyagoo dhaqaatiirta iyo howl wadeenada Caafimaadka ku tilmaamay dad Gaalo ah.
“Dhaawicii la keenay isbitaalka waa diideen in la daweeyo, waxayna ku tilmaameen howlwadeenada Isbitaalka inay Gaalo yihiin oo aysan taaban karin” Guddoomiye Daba-geed.
DHAGEYSO WAREYSIGA GUDDOOMIYAHA HIIRAAN