Monday, July 14, 2025

Dabley Bistoolado ku hubeysan oo Duleedka Muqdisho ku dishay Sheekh Caan ah oo 85 sano jir ahaa

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa shegaya in dabley hubeysan ayaa maanta barqadii Sheekh Caan ah ku dishay inta u dhaxeysa Tabeelaha Shiikh Ibraahim iyo Tareedisho ee duleedka magaalada Muqdisho.

Saddex dabley ah oo watay Mooto ayaa ku weerarray Gaari uu watay Sheekh Cabdillaahi Sheekh Maxamad Rooble, wuxuuna watay Gaari nooca NOAH ah, waxaana uu ahaa 85 sano jir ah, oo ku caan baxay fidinta diinta islaamka, gaar ahaan dariiqada Qaadiriyadda.

Sheekha ayaa caan ku ahaa fidinta diinta islaamka iyadoo si weyn looga yaqaanay gobolada Bay iyo Bakool. Maydka marxuumka ayaa lagu wadaa in loo qaado degmada Bardaale halkaas oo ay dagantahay dariiqadii uu sheekha u ahaa.

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay dilka Sheekh Cabdillaahi Sheekh Maxamad Rooble.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON