Monday, June 23, 2025

Dabley Dil ka fuliyey Muqdisho oo lasoo bandhigay & Maamulka G/Banadir oo ka hadlay [Sawirro]

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay laba dabley ah oo maanta lagu qabtay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, kuwaasoo toogasho ku dilay askari ka tirsan ciidamada dowladda.

Ku-simaha Gudoomiyaha G/Banaadir Ibraahim Cumar Mahadalle Ibraahim ayaa tegay Saldhiga Degmada Waddajira, halkaasoo lagu soo bandhigay labada dab dabley ee la qabtay oo ku hubeysaa bistoolado, kuwaasoo la sheegay inay ka tirsan yihiin Alshabab, iyagoo dil u geystay askari ka tirsanaa Ciidamada Amniga Dowlada.

Gudoomiyaha Degmada Wadajir C/raxmaan Maxamed Macalin ayaa sheegay in ay Hay’adaha Amniga gacanta kusoo dhigeen labada Nin ee Suuqa degmada Waddajir ku dilay Askariga ka tirsanaa Ciidamada Dowlada, isla markaana sharciga la horgeyn doono.

Ibraahim Dheere ayaa u mahad celiyey ciidamadii qabtay dableydan, isagoo sheegay inay si adag ula dagaalami doonaan kooxaha dilalka u geysta shacabka iyo ciidamada dowladda.

Image may contain: 9 people, people smiling, people standing, wedding and outdoor

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON