Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maanta degmada Yaaqshiis lagu dilay nin nabadoon ahaa ka tirsan bulshada ku nool degmadaasi.
Nabadoonka la dilay ayaa Magaciisa lagu sheegay Cabdiraxmaan Axmed Cabdulle (Qaloosh). Dilka ayaa si gaara uga dhacay agagaarka Suuq Bacaad Waxaana Goobta ka baxsaday Kooxda dilka gaysatay oo la sheegay in ay ku hubaysnaayeen bistoolado,
Waxaa Goobta gaaray Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya oo goobta ka bilaabay baaritaano. Iyadoo aan cidna loo qaban.
Cabdiraxmaan Axmed Miinay Qaloosh ayaa ka mid ahaa ergadii Jowhar ku soo doortay Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo mudooyinkaan dambana ku sugnaa Magaaada Muqdisho