Thursday, June 26, 2025

Dabley hubeysan oo toogasho ku dishay haweeney, Magaalada Muqdisho

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dabley hubeysan ay goor dhoweyd toogasho ku dileen haweeney ganacsato ah.

Dilka ayaa ka dhacay Suuqa loo yaqaan Suuq Bacaad ee degmad Yaaqashiid, iyadoo ka mida ahayd ganacsatada iibiya dharka la soo isticmaalay ee Hudheyda loo yaqaan.

Dadka degaanka ayaa sheegay in haweeneyda la dilay lagu magacaabi jiray Aamino Maxamuud Axmed, iyadoo aan la ogeyn sababta loo dilay qoftan aan waxba galabsan.

Dableya dilka geysatay ayaa sidii caadada ahayd goobta ka baxsaday, waxaana halkaasi gaaray ciidamada ammaanka.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON