Weerar koox dabley ah ka geystay degmada Hodon ee magaalada Muqdisho ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac.
Weerarka ayaa ka dhacay agagaarka isgoyska Trebuunka, halkaasoo dabley hubeysan ay ku rasaaseeyeen gaari uu watay qof lagu sheegay inuu ka tirsanaa ciidamada mialteriga oo halkaasi ku geeriyooday.
Rasaasta ayaa haleeshay qof kale oo goobta ku sugnaa, kaasoo isna ku dhintay rasaasta qabsatay ee dableyda ay rideen.
Kooxda weerarka khaarijinta ah geysatay ayaa ka baxsaday goobta, iyadoo markaas kadib ay gaareen ciidamada ammaanka oo baaritaan ka sameeyay.