Nin hubeysan oo ka tirsan Dableyda Alshabaab ayaa weerar ku qaaday maanta ciidamo ka tirsan Booliska oo ku sugnaa xaafadda Xoosh degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir.
Ninkan oo u hubeysnaa Bistoolad loona maleynayo inuu ka tirsanaa dableyda dilalka qorsheysan fulisa ayaa rasaas ku furay askarta Booliska oo ku sugneyd xaafadda Xoosh, isagoo doonayey inuu dilo askarta, wuxuuna halkaasi ku dhaawacay saddex askari, kadibna isku dayey inuu baxsado.
Ciidamada Booliska ayaa ka jawaabay rasaasta ninka dableyda ah, waxaana u suuragashay nay dhaawacaan, kadibna gacanta lagu dhigo, iyadoo xabsiga loo taxaabay, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Dharkenley.
Shalay ayey ahayd markii askari ka tirsan ciidamdaa Booliska uu xaafadda jamhuuriya ee degmada Karaan ku dilay nin dabley ah oo dooneyay inuu dilo, kadib markii uu rasaas kala hor maray.
Khilaafadda Islaamig ee Daacish ayaa sheegatay weerarkan oo sida qoraal ay soo saartay ku caddeysay lagu dilay saddex askari oo ka tirsan ciidamada dowladda.
HALKAN KA AKHRISSO
Daacish oo sheegatay weerar ka dhacay Muqdisho oo lagu dilay askar ka tirsan ciidamada dowladda