Kooxda khilaafada islaamiga ee Daacish ayaa sheegtay weerar shalay ka dhacay degaanka Xoosh, degmada Dharkeyneynley ee magaalada Muqdisho.
Qoraal ay soo saartay wakaalada wararka ‘Acmaaq’ ee raacsan Daacish ayaa lagu sheegaya in ciidamada Daacish ay weerar ku qaadeen saddex askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya oo ku sugnaa isgoyska Xoosh, loona adeegaday Bistoolad, iyadoo halkaasi lagu dilay.
Weerarka shalay ayaa Nin nin ku hubeysnaa Bistoolad uu ku qaaday askar ka tirsan ciidamada Booliska ee xaafadda Xoosh, waxaana is rasaaseyn dhex martay ku dhaawacmay saddex askari, halka ninkii dableyda ahaa isna lagu dhaawacay, laguna qabtay.
Daacish ayaa sheegata weerarro naadir ah oo ka dhaca caasimadda Soomaaliya oo inta badan ay ka howlgasho Alshabaab, waxayna in muddo ah dadaal ugu jirtay inay joogitaankeeda sii balaariso.