Wararka laga helayo degmad Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in Nabadoon caan ah ay caawa halkaasi ku dileen koox bistoolado ku hubeysnaa.
Nabadoonka ayaa al sheegay in lagu dilay xaafada Godey ee n degmada Afgooye, kadib markii ay rasaas ku fureen koox ka kooban laba qof oo saarnaa Mooto, waxayna goobta ka baxsadeen markii ay dilka fuliyeen.
Nabadoonka la dilay ayaa lagu magacaabi jirey Xayeesi Mursal Abiikar, isagoo la sheegay inuu ka mid ahaa ergadii soo doortey xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee ka soo jeeda deegaanada Koofur Galbeed.
Dilkan ayaa imaanaya iyadoo xalay sidoo kale Afgooye lagu dilay qof shacab ah, isla markaana Ciidamada amniga ay baaritaan ka sameeyeen xaafadaha ay ka kooban tahay degmada Afgooye.