XOG: Bixinta Baasaboorka Soomaaliya oo Bishii labaad Xayiran & Shirkad Mareykan ah oo la siiyey Qandaraaska

Waxaa bishii labaad xiran bixinta Baasaboorka Soomaalida oo la joojiyey aakhirkii Bishii Novembar 2018, kadib markii uu gabagabo soo gaaray heshiiska shirkadii Daabici jirtay.

Dadweyne fara badan ayaa muddo laba bilood ka badan dhooban xarunta dhexe Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha dowladda Federaalka Soomaaliya, xarumaha ay ku leedahay gudaha dalka iyo safaaradaha iyadoo ay maqan yihiin Baasabooradii la xareeyay bishii Novembar ee sandkii hore ilaa iminkana aysan socon wax shaqo ah.

Ad

Dowladda Soomaaliya ayaa go’aansatay inay joojiso qandaraaskii shirkadii hore u daabici jirtay Baasaboorka oo laba ganacsade oo Soomaali ah ay lahaayeen iyagoo la heshiiyey shaqsiyaad Masaari ah oo howshaasi waday muddo sanado ah, wuxuuna qandaraaskeedu ku ekaa Disembar 2018.

Iyadoo aanu jirin qorshe cad iyo diyaargarow shirkado cusub lagu siinayo daabicidda Baasaboorka ayaa keenay inku dhacaan shirkadii hore iyo dowladda Somalia, isla markaana shirkad kale oo la siiyey qandaraaska ay awoodi weysay inay degdeg u howlgasho.

Warar xog ogaal ah ayaa sheegaya in qandaraaska daabicidda Baasaboorka Soomaaliya la siiyay shirkad ay leedahay haweeney Mareykan oo ka mida dadka qandaraasyada ku heysa xarunta xalane.

Waxa qorshuhu ahaa in daabicidda Baasaboorka uu dib u bilowdo 15-ka Janaayo 2019, laakiin ma suuragelin, iyadoo balanqaadyo ay bixisay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaalida ay shaqeyn waayeen.

Dad baahi darran u qabay baasaboorka sida dad xanuunsan, ardayda waxbarashada iyo qoysaska sharciyada ku leh dalalka dibadda ee adeegsada Baasaboorka Soomaaliya ayaa dhibaato weyn ku qaba arrintan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

128,042FansLike
1,151FollowersFollow
3,347FollowersFollow

WARARKA UGU SHIDAN

error: Content is protected !!