Koox dabley ah ayaa maanta weerar ku qaaday xarunta ugu weyn jaamacadda SIMAD ee jidka warshadaha, magaalada Muqdisho.
Kooxda weerarka ku qaaday Jaamacadda ayaa dad goobjoogeyaal ah ay sheegeen inay ahaayeen saddex dabley ah oo wadatay gaari, kuwaasoo ku muddooyinkan danbe ardayda u geysanayay dhac ay uga qaateen Mobile-ada gacanta.
Shilka maanta ayaa yimid kadib markii ay arday ka dhaceen Computer Laptop ah oo uu watay, kadibna ilaalada Jaamacadda ay rasaas ku rideen kooxda, taasoo keentay inay kooxda dableyda ah gudaha u galaan jaamacadda.
Rasaas muddo kooban socotay ayaa gudaha jaamacadda ku dhex martay ilaalada Jaamacadda iyo kooxda dableyda ah iyadoo kala carar iyo jaha wareer xoog leh ka dhacay, iyadoo loo maleeyay in Alsahbaab ay gudaha u galeen Jaamacada, qaar ka mida ardayga ayaa ka booday daaqadaha, waxaana markii dambe la sheegay inay kooxdii dableyda ahayd isaga baxeen xarunta jaamacadda.
Guddoomiyaha Jaamacadda SIMAD Daahir Carab ayaa sheegay in dabley gaareysa lix askari oo ku lebisan dareyska ciidamada ay gudaha u galeem Jaamacadda, ayna sababtay in ardayda ay qaarkood jahawareer ku dhacay.
Ciidamo fara badan ayaa markii danbe tegay xarunta jaamacadda, mana jirin cid la qabtay, waxaana xaaladda ay markii danbe ku soo laabatay caaadi