Dacwad heer Federaal ah ayaa lagu soo oogay madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).
Dacwadan oo la geeyay Maxkamadda Sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa gudbiyay mid ka mida xildhibaanno dhowaan laga saaray Baarlamaanka Jubbaland oo lagu magacaabo Maxamed Cali Yuusuf.
Xildhibaankan ayaa Maxkamadda Sare ee dalka u gudbiyay dacwad uu ku soo oogay Axmed Madoobe, taasoo ku saabsan inuu kasoo masaafuriyay magaalada Kismaayo isla markaana si sharci darro ah u abaabulay in xildhibaanadiisa laga qaado.
Xildhibaankan ayaa ka hadlay xaaladda maamulka Jubbaland iyo dhaliilaha waxqabad la’aan ee ka jira maamulkaasi, wuxuuna Axmed Madoobe ku tilmaamay nin jabhad ku heysta maamulka Jubba.
Maxkamadda Sare oo dhowaan sharci darro ka dhigtay doorasho ay ku soo baxeen xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ayaa la filayaa inay dacwadan qaado, iyadoo aan la ogeyn qaabka ay u wajihi doonto.