Qareenada ay qabsadeen laba muwaadin oo u dhashay dalka Ciraaq kuwaasoo laga qabtay Garoonka magaalada New York kadibna la xiray ayaa dacwad ku soo oogay madaxweynaha cusub ee Mareykanka Donald Trump.
Labada qof ee reer Ciraaq ayaa heystay dal-kugal (Vissa) Mareykan ah, waxayna xiriir wadasahqeyn la lahaayeen ciidamada Mareykanka, laakiin waxaa Jimcihii lagu lagu xiray garoonka NewYork markii ay ka degeen iyadoo lagu fuliyay amarkii Trump ee Mareykanka looga mamnuucay dadka ka soo jeeda 7 dal oo muslim ah.
Dacwadan ayaa ah tii ugu horeysay ee sharci ahaan loogu soo oogo wareegtooyinka muranka badan dhaliyay ee Donald Trump soo saaray markii uu xilka la wareegay.
Labada nin ee Ciraaq u dhashay waxaa sharci ahaan loo ogolaa inay Mareykanka geli karaan, waxaana lagu qabtay wareegtadii Trump. Mid kamida raggan oo lagu magacaabo Xamiid Khaalid Darwiish oo ciidamada Mareykanka ee Ciraaq ku sugnaa u ahaa tarjume ayaa laga sii daayay xabsiga sabtidii maanta, wuxuuna sheegay in Mareykanka uu yahay dal weyn iyo dalkii xoriyada, balse aanu ogeyn waxa dhacaya.
Ninka kale oo lagu magacaabo Xeydar Samiir Abdulkhaleq Alshawi, ayaa weli xabsi ku jira, iyadoo dadaal weyn loogu jiro in la sii daayo, waxaase loo diiday qareenada u dooday ninkan inay booqdaan.
Dacwadda waxaa soo oogay kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ee Mareykanka, waxaana labada ninba fiisaha siisay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka. Qareenada u doodaya labada nin ayaa sheegay in la xiro dad heysta dal kugal inay tahay sharci darro.
Qoraalka dacwada ah ee lagu oogay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa lagu soo xigtay in wareegtada Turmp ay xadgudub ku tahay xuquuqda dadka ee ku cad Dastuurka Mareykanka.
Arrintan ayaa ka mida doodaha iyo qeylo dhaanta uu dhaliyay madaxweynaha Donald Trump oo ku cusub aqalka Mareykanka.
Goobjooge.com