Tuesday, June 24, 2025

Dacwad ku saabsan Kuraas ka bannaan Baarlamaanka federaalka oo loo gudbiyey Maxkamadda Sare

Waxaa maxkamadda sare ee dalka loo gudbiyey dacwado ku saabsan kuraas ka bannaan Baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo dacwad ay ka fureen xubno u doodaya inay xaq u leeyihiin kuraastaasi.

Laba kursi oo midkood uu ka dhintay wasiirkii Howlaha guud Cabaas Sheekh Siraaji iyo kursiga kale ee uu banneeyay Taliyihii xilka laga qaaday ee NISA C/llaahi Maxamed Sanbaloolshe ayaa dacwad ku saabsan laga furay Maxkamadda sare.

Kursiga Wasiir Siraaji ka geeriyooday ayaa weli bannaan, waxaana u doodaya siyaasigii kula tartamay Maxamuud Cabdi Xasan Beekoos oo ku doodaya in dastuurku qorayo in haddii uu xilka banneeyo xildhibaan uu la wareegayo qofkii la tartamay ee kaalinta labaad galay.

Kursiga uu banneeyay Sanbaloolshe ayaan lagu guuleysan tan iyo intii uu xilka hayay isagoo hortaagnaa in cid kale ku soo baxdo, waxaana hadda abaabul in la doorto ah uu ka socdaa magaalada Jowhar.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON