Thursday, June 26, 2025

Dacwad lagu oogay Xildhibaano kuraastooda la laalay oo fadhiya Baarlamaanka {Akhriso Magacyada}

Xeer ilaaliyaha Qaranka Axmed Cali Daahir ayaa ku baaqay in la qabto doorashada 8 kursi oo maxkamadda sare ay sharci darro ka dhigtay, kuwaasoo xildhibaano ku soo baxay ay ku fadhiyaan.

Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa go’aankan soo saartay 16 May 2017 xilli ay xildhibaanadaasi doorteen madaxweynaha iyo guddoonka Baarlamaanka, kana qeyb galeen kalfadhigii koowaad..

Kuraastan oo dacwad hore uga taagneyd ayna ansixisay Madashii Qaranka ayaa saameyneysa 8 xildhibaan oo kala ah:

  1. Muna Khalif Sheekh Abu (Muna Kay)
  2. Maxamed Axmed Abdtidoon
  3. Cabdullahi Maxamed Adan Shaacir
  4. Maxamed Saciid Cabdullahi
  5. Nadif Aadan Isaaq
  6. Cabdicasis Salax Carmaan
  7. Sharmarke Garaad Saleebaan Buraale
  8. Samra Ibrahim Cumar

Xeer ilaalinta dowladda Federaalka ayaa olole ugu jirta in xildhibaanada kuraastooda la laalay laga saaro Baarlamaanka Federaalka, isla markaana doorasho cusub loo galo kuraastaasi.

GO’AANKA MAXKAMADDA SARE HOOS KA AKHRISO

GOOBJOOGE.COM

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON