Sunday, June 22, 2025

Dacwad Mas’uuliyiin loo heysto Musuqmaasuq oo ka bilaabtay Maxkamadda G/Banadir

Waxaa maanta Maxkamada Gobolka Banaadir ka bilaabatay dhageysiga Dacwad loo heysto  Afar Mas’uul oo ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya.

Mas’uuliyiintan ayaa Xafiiska Xeer ilaaliyaha Qaranka kusoo eedeeyay Musuqmaasuq iyo Xatooyo xoolo dadweyne, waxayna afartan edeysane kala yihiin:-

1- Cabdulaahi Maxamuud Osoble,

Ad

2- Cumar Macalim Nuur,

3- Saabir Xasan Cabdinuur,

4- Aadan Maxamed Cabdi

- Advertisement -

Eedeysanaha koowaad ee Cabdulaahi Maxamuud Cosoble oo ahaa agaasimihii Waaxda Ajaaniibta Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadaha, ayaa lagu soo eedeeyay inuu ka qeyb qaatay denbi, isagoo ula kac ugu kacay musuqmaasuq iyo takrifal xatooyo xoolo dadweyne lacag dhan 560, 0500 Dollar; wuxuuna eedeysanhaa ku jawaabay in eedeyntii loo jeediyay uu ka qabo Dood sharci.

Eedeysanaha labaad Cumar Macalim Nuur oo ahaa agaasime ku xigeenkii Waaxda Ajaaniibta hay’adda Socdaalka, waxa loo jeediyay edaha ugu badan ee Gooobta la keenay, waxaana loo heystaa inuu dhacay lacag ku dhow 7 Milyan oo Dollar.

Maxkamadda ayaa ku furantay iyadoo Xeer ilaalinta soo jeedisay qodobadda loo heysto Xatooyo Xoolo Dadweyne, iyagoo ka mid ahaa Howlwadeenadda Hay’adda Socdaalka iyo Jinisayadaha Soomaaliya.

Qareenada u doodaya Mas’uuliyiintan ayaa is hortaabay eedeynta loo jeediyay, iyagoo Maxkamadda horteeda ka wada difaac ah ku doonayaan inay hor istaagaan qaabka ay Xeer ilaalinta dacwadda usoo jeedisay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON