Monday, July 14, 2025

Dacwad xilka looga qaadayo Madaxweyne Xasan Sheekh oo la geeyay Maxkamadda Sare

Dacwadda ka dhan ah madaxweynaha Soomaaliya ayaa loo gudbiyay Maxkamadda Sare ee dalka Soomaaliya.

Garyaqaankii Guud ee Somaliland oo toddobaad gudihiis noqday
Dr. Ibraahim Iidle Suleymaan – Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya

Siyaasiyiinta dhistay xisbiyadda aan weli sharciga ahayn iyo musharixiinta xilka madaxweynaha ayaa dacwad gaarsiiyay Maxkamadda Sare ee dalka iyagoo ka dalbaday inuu Xasan Sheekh Maxamuud xilka si KMG ah ugu wareejiyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan marka uu dhammaado xilligiisa oo ku eg 10-ka Bisha September, 2016.

Siyaasiyga Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay in Qoraalka dacwadda oo Maxkamadda Sare ee ay u gudbiyeen Maxkamadda Sare ay doonayaan in sharciga loo raaco xil wareejin uu sameeyo madaxweyne Xasan Sheekh sida ku qoran Dastuurka KMG ah.

Lama oga sida Maxkamadda Sare u qaadi doonto dacwadan iyadoo lagu eedeynayo  Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Dr. Ibrahim Iidle Suleymaan inuu keensaday Xasan Sheekh oo aanu lahayn awood uu Xasan Sheekh sharci ku qaado, horena waxay uga gaabsatay dacwad kale oo xisbiyada u gudbiyeen kuna saabsanaa xayiraad wasaaradda amniga ku soo rogtay shirarka lagu qabto Hoteelada Muqdisho.


Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON