Thursday, June 26, 2025

Dacwadii Kursiga HOP#067 oo weji Cusub yeelatay iyo Galmudug oo Nabaddoonno u sameysay Beesha.

Dacwadii Kursiga HOP067 oo shalay Guddiga xalinta khilaafaadka ay go’aan kasoo saareen ayaa weji cusub yeelatay, markii go’aankooda ay sal uga dhigeen cidda ah Nabaddoonka Beelaha Marrooyin ee leh kursiga.

Guddiga ayaa qoraalkii kasoo baxay ku sheegay in Nabaddoon Cali Xasan Cali aanu ahayn Nabaddoonka leh saxiixa Beelaha Marrooyin, ayna sharci yihiin nabaddoonada uu maamulka Galmudug aqoonsiga siiyey ee beelahaasi.

Arrintan waxaa ka hor yimid Nabaddoon Cali Xasan Cali (Cali Jeesto) oo qoraal jawaab ah oo uu soo saaray caddeyn ahaan u soo qaatay marqaatiga Duubabka Beesha Mudullood iyo qodobbo kale, wuxuuna Galmudug ku eedeeyay inay nabaddoono u magacaabay beeshiisa si kuraas loogu boobo.

Go’annada uu soo saaray waxaa ugu muhiimsanaa:

1. In Maamulka Galmudug uusan xaq u lahayn in uu beelaha Marooyin u soo magacaabo oday dhaqameedyo aan jirin ee loo samaystay in lagu boobo doorashada isla markaana aan ka tirsanayn dhaqanka beesha.

2. Waxaan cadaynayaa in beesha Marooyin ayan aqbali doonin go’aanka gefka ku ah ee ka soo baxay gudiga Xalinta khilaafaadka doorashooyinka dadban maanta oo ay bishu aheyd 15/12/2021.

3. Ugu dambeyn waxay Beelaha Marooyin cadaynayaan in aysan aqoonsan doonin doorasho ku sheegii boobka aheyd ee kursiga HOP#067 ee 25/11/2021.

4. Waxaanu ka codsanaynaa Raisul Wasaaraha Xukuumadda fedraalka ah ee Soomaaliya in uu qaato doorkiisa hogaamineed ee doorashad kana hor tago boobka qaawan ee lagu hayo hanaanka doorashada gaar ahaan kuraasta ay doodu ka taagneyd.

Waxaa muuqata in Dacwadii Kursigan Beelaha Marrooyin ay hadda u wareegtay Galmudug iyo cidda saxda ah ee ah nabaddoonka beelahaasi

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON