Thursday, June 26, 2025

Dad badan oo ku dhintay Qarax ka dhacay Kaniisad ku taalla dalka Masar

Qarx loo adeegsaday Bam la dhigay qeybta hore ee Kaniisad ku taalla dalka Masar ayaa geystay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhintay in ka badan 40 kalena way ku dhaawacmeen qarax ka dhacay gudaha kaniisad ku taal magaalada Dandaa oo ah xarunta gobolka galbeed ee dalka Masar, sidanaa waxa xaqiijisay wasaaradda armiha gudaha dalka.

Xogo laga helay nabad sugidda ayaa sheegay in ciidamada nabad gelyadu ay baadhayay daafaha kaniisadda St Georges, halkaas oo dhoolliyaduna ka gurayaan dhaawaca.

Qaraxu wuxu dhacay iyadoo ay socoto ducadii aroornimo, iyadoo ay maanta u dabaal dagayaan Masiixiyiinta dalkaasi mid ka mida maalmo diimeedka Masiixiyiinta Qibdiyiinta.

Qaraxani wuxu ku soo beegmay iyadoo tobaneeyo cisho uun ka hor qaraxyo kale lala beegsaday xarun tababar oo ay leeyihiin ciidamada nabadgelyadu oo ku taal isla magaalada Dandaa, halkaas oo ay ku dhinteen laba askari toban kalena lagu dhaawacay.

SourceBBC

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON