Wednesday, October 5, 2022

Dad badan oo lagu dilay dagaal Beeleed ka socda Gobolka Sh/Dhexe iyo Baaqyo loo diray

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa dagaal Beeleed culus oo Saaka ka qarxay degmooyin ka mida Gobolka Sh/Dhexe oo dad badan ay ku dhinten saacadihii ugu danbeeyay.

Dagaalkan oo salka ku haya aano qabiil iyo muran degaan ayaa wararku sheegayaan in lagu dilay dad far badan oo ka badan 10 qof , waxaana jir dhaawacyo badan, iyadoo la isku adeegsanayo gaadiidka dagaalka iyo hub kala duwan, waxaana sii kordhaya qasaaraha dagaalkaasi.

Maleeshiyo ka kal tirsan Labada beelood ayaa ku kacay inay dab qabadsiiyeen tuulooyin ka mida kuwii dagaaladu ka dhaceen, waxaana jira qasaare xoog leh iyo saameyn uu dadka degaanka ku yeeshay dagaalka oo iskiis u qaboobay maqribnimadii caawa.

Ad

Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle C/raxmaan Daahir Guure (Karoore) oo ka hadlay dagaalkan ayaa ugu baaqay Beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamaya degmooyinka Cadalle iyo degaanka Raaga-Ceelle inay si sharuud la’aan u joojiyaan colaadda.

Sidoo kale waxaa baaq nabadeed kasoo saaray dagaalkan mas’uuliyiin iyo waxgarad kala duwan oo nasiib darro ku tilmaama in xilligan dagaal beeleed uu ka socdo Gobolka Sh/Dhexe xilli dagaal lagula jiro Alshabaab.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
6,001FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
6,002FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON