Sunday, July 13, 2025

Dad Careysan oo ku qamaamay Dabna qabadsiiyey Daartii lagu kufsaday laguna dilay Dhibane Xamdi

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dad careysan oo isugu soo baxay Daartii lagu kufsaday gabar dhalinyaro , kadibna lagu dilay markii laga soo tuuray ay ku qamaameen halkaasi, dabna qabadsiiyeen.

Dadkan oo iskood isu abaabulay una badnaa dhalinyaro ayaa si weynuga careysnaa falkii naxdinta lahaa ee lagu kufsaday kadibna lagu dilay Xamdi Maxamed Faarax oo ahayd ardayad ka baxday Dugsiga Sare sanadkan oo 20 sano jir ah, waxayna dab qabadsiiyeen gurigii Dabaqa uu falkani ka dhacay oo ku yaalla Degmada Waaberi, magaalada Muqdisho.

Dabka ayaa la sheegay in laga hortegay, iyadoo xaalad kacsan ay halkaasi ka dhacday, waxaana la sheegay inuu geysan wax khasaare ah oo weyn.

Waxa ay banaanbaxayaashu ka dalbanayeen dawlada Soomaaliya in doonayaan, in cadaaladda la hor keeno dadkii ka dambeeyay, falkii arxan darrada ahaa ee loo gaystay Marxuumad Xamdi.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON