Monday, June 23, 2025

Dad cusub oo laga helay Coronavirus & Somalia oo noqotay dalka ugu kiisas badan Bariga Afrika

Wasaaradda Caafimaadka dowladda Federaalka ayaa shaacisay kiisas cusub oo cudurka Coranavirus ah oo laga helay degaanada Soomaalida.

Wasiirka Caafimaadka Fowsiya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in maanta 16 May 2020: baaritaankiil la sameeyay lagu helay 73 kiis oo cudurka ah, waxayna dadka kala joogaan:

Puntland: 25 qof
Somaliland: 19 qof
Benadir: 17 qof
South West: 12 qof
Waxaa soo bogsooday 13 qof, iyadoo ah geeriyoodeen 2 qof oo kale, waxayna tirada guud ee soo bogsootay ay gaartay 148 qof, waxayna tirada guud ee geerida mareysaa 55 qof.

Soomaaliya ayaa hoggaanka u heysa dalalka Geeska iyo Bariga Afrika, waxayna noqotay dalka ugu horeeya ee ugu kiisas badan cudurka Coronavirus, iyadoo tirada dadka qaba cudurka ay gaartay 1357.

Jabuuti oo Bariga Afrika ugu kiisas badneyd cudurka Coronavirus ayaa hadda mareysa 1331 qof oo cudurka qaba, markii maanta la shaaciyey in laga helay 22 kiis oo cusub, laakiin Jabuuti waxaa cudurka uga dhigtay 4 qof oo kaliya, waxaana ka bogsooday 950 qof.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON