Wednesday, June 25, 2025

Dad isku Qoys ah oo ku dhintay Qarax ka dhacay Magaalada Gaarisa, Gobolka Waqooyi Bari

Qarax Miino ayaa sababay dhimashada 5 Qof oo rayid ah iyo dhaawaca qof kale, kadib markii Gaari ay la socdeen ay ku qaraxay Miinada, duleedka magalada Masalani ee Ismamulka Garissa ee dalka Kenya.

Qaraxa ayaa qabsaday a raaxada ah oo ay la socdeen lix qof, Shanta ruux ee geeriyootay ayaa saarnaa Gaari ka baxay Masalani kuna sii jeeday Holugho, markii uu falkan dhacay. Waxaana Miinadu kula qaraxday inta u dhaxaysa Bariga Bura iyo Galmagala.

Darawalkii waday gaariga ayaa si dirqi ah kaga badbaaday geeri, waxaana xaalad culus oo dhaawac ah looga dabiibayaa Isbitaalka Gaarisa, balse markii danbe geeriyoooday. waxaa dhaawac fudud soo gaaray qof rakaab ah. Afar ka mida dadka hintay ayaa ahaa isku qoys.

Dadka dhintay waxaa ka mida Howlwadeennada Shirkadda Biyaha Holugho oo la sheegay inay kormeer ugu socday degaanka Muftu. Maamulihii hore ee degaanka Holugho C/llaahi Yarrow oo ay qaraabo yihiin dadka dhintay ayaa sheegay in la aasi doono si waafaqsan diinta Islaamka.

Ma cadda cidda ka dambaysay qaraxaas, balse waxaa la tuhunsan yahay inay ka dambeeyaan dablay hubeysan oo ka tirsan ururka Al-Shabaab ee ka dagaalama Soomaaliya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON