Xaaladda dalka Itoobiya ayaa ka sii dareysa, kadib qalalaasaha ka dhashay dilkii fannaanka caanka ahaa ee Oromada dalkaasi Haacaaluu Hundeessaa ee ka dhacay magaalada Addis ababa.
Dad gaaraya 81 qof ayaa ku dhintay qalalaasaha ka socda dalka Itoobiya sida uu sheegay Taliyaha Booliska Gobolka Oromada Ararsa Merdassa, waxaana dadka la dilay ka mida nin adeer u ah fannaanka oo warar kala duwan kasoo baxeen dilkiisa.
Ninka adeerka u ah Fannaanka la dilay ayaa la sheegay inuu ku dhintay bam lagu weerarray gurigiisa, halka dad goobjoogayaal ah ay sheegeen inay toogteen ciidamada amnia, markii ay isaga hor yimaadeen in meydka fannaanka laga qaado Guriga Qoyska, iyadoo markii dambe la geeyay xarunta ciidamada ee duleedka magaalada Ambo.
Dadka ku dhintay rabshadaha ka socda Itoobiya ayaa u badan dad shacab ah oo tiradoodu gaareyso 73, iyadoo sidoo kale lagu dilay 3 ka mida ciidamada Booliska Oromada, waxaana 7 ka mida dadka dhintay lagu dilay magaalada Addis ababa.
Aaska fannaanka Haacaaluu ayaa lagu waday in kumanaan dad ah ka qeyb galaan, waxayna dhalinyaradda Oromada doonayeen in lagu aaso halkii lagu dilay ee magaalada Addis ababa.
Ciidamada AMmniga ayaa lagu eedeeyay inay rasaas ku fureen dad careysan oo bannaanbax ka waday Gobolka Oromada, iyadoo lasoo sheegay rabshado iyo xarumaha dowladdaha oo la burburiyey.

Dhinaca kale Booliska magaalada Addis ababa ayaa xiray aasaasaha iyo hoggaamiyaha Xisbiga mucaaradka ee Balderas ninka lagu magacaabo Eskendir Nega, iyadoo aan wax faahfaahin ah laga bixin xarigiisa, waxayna Booliska hore u xireen hoggaamiyihii mucaaradka Oromada ee Jawar Mohamed.