Thursday, July 17, 2025

Dad ku dhintay Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu qarax ka dhashay miino uu ka dhacay degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ka dhacay  Suuq ku yaalla Degmada Kaaraan, kaas oo lagu magacaabo Suuqa Xerka-dheere. Wuxuu ahaa Miinada dhulka lagu Aaso, iyadoo lala beegsaday  Ciidamo halkaasi fadhi u ahayd.

Laba qof oo dumar ah ayaa la sheegay inay ku geeriyoodeen Qaraxa oo qabsaday Maqaaxi ku dhex taalla Suuqaasi, waxaana ku dhaawacmay 3 kale.

Ciidamada Degmada goobta Qaraxa ka dhacay gaaray ayaa baaritaan  ka sameeyay goobta iyadoo aanay jirin cid loo qabtay.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON