Wednesday, June 25, 2025

Dad ku dhintay Qarax ka dhacay Suuq ku yaalla Degaanka Buulomareer ee Gobolka Sh/Hoose

Wararka laga helayo Gobolka Sh/hoose aya sheegay in qarax qasaare dhaliyey uu ka dhacay degaanka Buulomareer.

Waxaa la xaqiijiyay in qaraxa ay ku dhinteen 4 ruux, iyadoo 5 kalena  ay ku dhaawacmeen, wuxuuna qaraxa  ka dhashay Miino dhulka lagu aasayoo ku qaraxday Suuq lagu iibiyo Xoolaha oo ku yaalla deegaanka Buulomareer ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Gudoomiye ku xigeenka degmada Kuntuwaareey Muxiyadiin Khaliif Caliyow, ayaa sheegay in maalmaha Sabtida oo ugu mashquul badan ganacsiga xoolaha ee suuqa Buulomareer lala beegsada qaraxa dadka rayidka ah ee xoolaha ka ganacsada.

Waxaa kaloo la sheegay in Qaraxa uu dilay 5 Neef oo Lo ah. Lama oga cidda ka danbeysa qarraxaasi, hase yeeshee maamulka degmada Kuntuwaarreey ayaa ku eedeeyay mas,uuliyadda weerarka ururka Al Shabaab.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON