Roobab xoog leh oo xalay ka da’ay magaalada Muqdisho ayaa sababay qasaare kala duwan, iyadoo xaafad ka tirsan degmada Wadajir ay dad ku dhinteen.
Wararka ayaa sheegaya in laba qof ay ku dhinteen roobkii xalay, waxaana geerida sababay markii ay ku dumeen Guryo ay ku jireen oo daad xoog leh uu saameeyay, gaar ahaan xaafadda Ceelqalow ee degmada Wadajir oo ah halka ugu darran ee ay roobku saameynta ku yeeshay, ayna ka barakaceen dad fara badan.
Dhinaca kale wuxuu roobku saameyn ku yeeshay barakayaasha ku dhex nool caasimadda oo ku noolaa guryo jilicsan, waxayna daadadkii roobka qarqiyeen ilaa saddex degmo oo ka tirsan Muqdisho, iyadoo xiray isu socodkii dadka oo go’doomiyey xaafado dhowr ah.
Wadooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho sida Wadnaha, qeybo ka mid ah wadada Makka Al-mukarrama iyo wadooyinka isku xira xaafadaha sida Buuloxuubey iyo kuwo kale ayaa waxaa qariyey Daada iyo Ciid oo keenay in gaadiidku adeegsan waayeen ama dhibaato ku maraan.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaan wax xal ah u heynin nidaamka magaalada iyo wadooyinkeeda oo markii rooban yimaadaan aan lahayn si loo maareeyo, waxayna booyado ku dhuuqaan biyaha fariista wadooyinka, taasoo mar kasta soo laabata.
