Rooban saacado badan ka da’ay magaalada Muqdisho xalay iyo saaka ayaa keenay inay xirmaan wadooyin badan, isla markaana inta badan istaago isu socodkii dadka iyo Gadiidka magaalada.
Roobabka ayaa keenay inay baaqdaan shaqooyin badan oo magaalada ka socday, waxayna dowladda ku dhawaaqday in Imtixaankii Shahaadigha ahaa ee Dowladda oo shalay bilowday maanta loo baajiyey roobka.
Wasiirka wax barashadda Soomaaliya C/raxmaan daahir Cusmaan ayaa war uu soo saaray waxaa uu ku sheegay in maanta oo ah maalintii labaad ee imtixaanka uu baqanayo roobka dartiis. Roobka xalay da’ay ayaa wadooyinka dhigay kuwo ay biyo yaalaan waxaana adag isu socodka dadka iyo gaadiidka.
Wararka aya sheegaya in qof ku dhinay roobkii xalay ka da’ay Muqdisho markii uu guri ku soo duma degmada Xamarweyne, waxaa kaloo degmada Boondheere lagu waayay laba cauruur ah, waxaana biyo ku dhex jira dad fara badan oo danyar ahaa.
Waxaa biyo badan xireen xaafado kamid ah X/weyne, Hodon Howlwadaag iyo Waaberi oo keenay in dadku isku gudbi waayaan. Sidoo kale waxay biyo badan fariisteen wadada isku xirta Garoonka Aadan Cadde iyo sidoo kale Isgoyska KM-4.
Wadooyinka Muqdisho ayaan awood u lahayn inay xajiyaan roobabka waaweyn, waxaana la dhisay iyagoo aan loo sameyn biyo mareen, taasoo keentay in wadooyin badan ay xirmaan isla markii roobabku yimaadaan.