Wararka laga helayo magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in koox hubeysan ay goor dhoweyd laba qof rayidka ah ku dileen duleedka magaalada.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in dilku ahaa mid ku saleynsan aanooyin qabiil oo beelo hore colaad u dhex martay ay ka danbeeyeen.
Kooxihii dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday, waxaana goobtii lagu dilay markii danbe tegay maleeshiyo hubeysan oo ragga la dilay ay ka soo jeedaan.
Labada nin ee la dilay ayaa ahaa reer Miyi, waxaana jirta xiisad ku saabsan dilka loo geystay oo saameysay degaanada magaalada Beldweyne ka xiga galbeed oo dhowr jeer ay ku dagaalameen beelahan.
Goobjooge.com