Friday, June 27, 2025

Dad lagu dilay Falal toogasho iyo weerarro Bam Gacmeed oo ka dhacay Muqdisho… [Faahfaahin]

Dabley ka tirsan Alshabaab ayaa qaraxyo iyo dil ka fuliyey degmada Dharkeynley ee magaalada Muqdisho, iyadoo shalay 17-ka Ramadaan ay ahayd maalintii ugu badneyd muddooyinkan ee uu dhiig badan ku daato.

Koox Bistoolado ku hubeysan ayaa xalay degmada Dharkeenley ku dishay laba qof oo midkood ahaa ganacsade tabakaayo ku leg agagaarka Xaaji Gaabow, halka qofa kale ay ahayd Haweeney Qaadka ku iibisa ahalkaasi, waxayna ku fureen rasaas, iyagoo markaas kadib bam gacmeed u tuuray goobta oo ay ciidamo ka dhowaayeen, waxayna ku baxsadeen gaari ay wateen.

Warkasoo baxay alshabaab ayaa lagu sheegay inay halkaasi ku dileen nin magaciisa lagu soo gaabiyey Asad oo ak mid ahaa nabadsugidda dhar-cadka ah ee dowladda Somalia, laakiin dadka degaanka ayaa sheegay labada qof ee la dilay ay ahaayeen ganacsato caan ka ah degaankaasi.

Dhinaca kale Bam gacmeed ayaa lagu weerarray isla xalay ciidamo ku sugnaa xaafadda Kaawo-godey, halkaasoo lasoo sheegay inay dhowr qof ku dhaawacmeen, waxaana kadib halkaasi ka dhacay rasaas xoog leh oo ay fureen ciidamada.

Alshabaab oo sheegatay falalka ka dhacay Muqdisho ayaa intaas ku dartay inay beegsadeen taliyaha ciidamada ammaanka degmada Dharkeynleey. laakiin ma jirto wax war ah oo ka soo baxay hay’adaha amniga dowladda.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON