Dabley hubeysan oo loo maleynayo inay Alshabaab ka tirsan yihiin ayaa goor dhoweyd weerar ku qaaday Basas dadweyne oo marayay degaan ka tirsan Magaalada Mandheere ee Waqooyiga Bari ee Kenya.
Dadka weerarka ku dhintay ayaa la sheegay inay gaaree 6 qof iyadoo dhaawacyo gaarayo in ka badan 20. Warbaahinta Kenya sheegeysa in dabley dahubaysan ay rasaas ku fureen Laba Bas oo safar ahaa.
Ragga weerarka qaaday ayaa jidka u galay labada Bas oo u kala socday Mandheera meel u dhow xuduudda Soomaaliya.
Bishan Ramadan ayay Kenya ka digtay suuragalnimada weerrar argagixiso oo ka dhaca dalka xilli ay gebagebo marayso Bisha Barakaysan ee Ramadaan.
Xaaladda ayaa kacsan iyadoo meydadka dadka la dilay iyo dhaawaca loo qaaday isbitaalada, waxaana goobta la geeyay ciidamo fara badan oo Kenyan ah.