Tuesday, June 24, 2025

Dad lagu dilay Weerar loo adeegsaday Gaari la jiirsiiyey Magaalo ku taalla Dalka Jarmalka [Sawirro]

Booliiska Jarmalka ayaa sheegay in gaari la jiirsiiyay goob ay dad badan ku sugnaayeen oo ku taalla waqooyi galbeed magaalada Muenster, halkaasi oo ay ku dhinteen ugu yaraan Laba qof.

Dhacdadan ayaa loola tacaamulay sida weerar oo kale, balse wali lama xaqiijin inay ahayd iyo inkale weerar argagixiso. Booliiska ayaa sheegay in gaari loo kaxeeyay dhanka goob laamiga dhinaceeda ah oo ku taalla bartamaha Muenster.

Gaarigan ayaa dhex jiiray dad badan oo adeeganayay, miisas iyo kuraas yaalay banaanka maqaayad halkaasi ku taallay.

Ugu yaraan 20 qof ayaa la dhaawacay, iyada oo booliiskuna ay sheegeen in lix ka mid ah dadkaasi ay dhaawacyadoodu halis yihin.

Darawalkii waday gaariga ayaa is dilay. Booliiskuna ma aysan shaacin sababta ka dambeysay inuu is dilo ninkaasi, balse weerarka ayaa kusoo beegmaya kaddib sanad markii rag hubeysan oo islaamiyiin ah ay gaari jiirsiiyeen meel dad badan ay ku sugnaayeen oo banaanka ka ah goob allaabo lagu iibiyo, waxa ayna halkaasi ku dileen shan qof.

Weerarkaasi ayaa waxaa qirtay inuu ka dambeeyay nin magaciisa ku sheegay Uzbek oo ahaa magangalya doon ku sugnaa Jermalka. Wararka ayaa sheegaya in ninka falka geystay aanu maankiisu dhammeyn.

A man shot himself dead after ploughing a minibus (pictured) into a crowd of people in the German city of Münster, killing two people and leaving 20 injured on Saturday afternoon

A van (pictured bottom right) ploughed into crowds of people in Münster, west Germany killing two people and injuring dozens more today

Armed officers swooped the scene outside Münster's famous Kiepenkerl bar and statue today after the deadly attack 

Restaurant chairs and tables are seen strewn across the area outside Münster's famous Kiepenkerl statue and pub

It is not yet known if the incident is terror related, but it comes after a wave of deadly vehicle attacks across western Europe

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON