Tuesday, July 1, 2025

Dad lagu la’ yahay Goobtii Qaraxu ka dhacay ee Muqdisho iyo Meydad laga cabsi qabo inay ku jiraan…

Waxaa sii kordhaya qasaaraha uu dhaliyey qarixii is-miidaaminta ahaa ee xalay ka dhacay Maqaayadda Lul Yemani ee degmada Xamarjajab, agagaarka Dekadda Weyn ee Muqdisho.

Dadka xaafadda ayaa warbaahinta u sheegay inay meydad ku hoos jiraan burburka goobtaasi oo guryo badan ay ku dumeen qaraxa dartiis, waxayna dadka dhintay gaarsiiyeen ku dhowaad 50 qof.

Shaqaalaha dowladda hoose ee Xamar ayaa saaka howlgal nadaafadeed ka wada goobta qaraxu ka dhacay oo burbur xoog leh ka muuqdo, waxaana dadku dalbanayaan in burburka waaweyn goobtaasi laga qaado si dadka ku maqan burburta hoostiisa loo helo.

Alshabaab ayaa sheegatay qaraxa, iyadoo sheegtay inay beegsatay isu imaatinka saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda. Afhayeenka Booliska ayaa sheegaya inay qaraxa ku dhinteen 10 qof, balse goobjoogayaal iyo gurmadka degdega ahaa xaqiijiyey in dad badan 20 qof ay qaraxa ku dhinteen.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON