Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa sheegay in shan qof loo xiray qaraxii maanta ka dhacay garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne, kadib markii xamuul la saari rabay diyaarad ku socotay Muqdisho ay qaraxday intii la baarayay, ayna ku dhaawacmeen 6 qof.
Dadka la qabtay ayaa la sheegay inuu ka mid yahay qof alaabta lahaa iyo dadkii u soo raray oo dhammaantood baaritaan lagu bilaabay. Dadka la xiray waxaa kamida qofka alaabta qarxay saaray baabuurka iyo dad kale oo ka kaalmeeyay.
Dhinaca kale kooxda Alshabaab ayaa sheegata inay ka dambeysay qaraxyada ka dhacay garoonka Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne. Idaacadda Andalus ee Afka Xarakada Shabaab ku hadasha ayaa baahisay in qaraxa ay ka ahayd Al Shabaab.
War kooban oo idaacadda laga sii daayay waxaa lagu caddeeyay in qaraxa ay ku dileen ciidan Jabuutiyaan ah oo ilaalo ka ahaa garoonka diyaaradaha Beledweyne.
Goobjooge.com