Sunday, July 13, 2025

Dad Oromo ah oo lagu laayay Gobolka Gedo iyo Faahfaahin laga helay Cidda ka danbeysa

Alshabaab ayaa bilowday inay beegsato dadka kasoo jeeda Qowmiyada Oromadda ee ku nool Gudaha Soomaaliya, iyadoo weerarkii ugu weynaa oo dadkaasi dhimasho iyo dhaawac kasoo gaaray uu ka dhacay Gobolka Gedo.

Wararka laga helayo degmada Beledxaawo ayaa sheegaya in weerar lagu qaaday dad Oromo ah oo deganaa xaafado ka tirsan Beledxaawo, waxaana koox dabley ah ay rasaas ku fureen dadkan.

Waxaa falkan ku dhintay 7 Qof, iyadoo 6 kale lagu dhaawacay, waxayna dadka degaanka sheegeen in maleeshiyada Alshabaab ay ka danbeysay weerarkaasi, sababta loo laayeyna aanay ogeyn, inkastoo ay jirto xiisada ka dhalatay heshiiska is-afgaradka ee Itoobiya la gashay Somaliland.

Maamulka Beledxaawo ayaan weli wax war ah kasoo saarin arrintan, sidoo kale Alshabab ayaan ka hadlin falka lagu laayay dadka Oromada ah.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON