Friday, July 11, 2025

Dad shacab ah oo uu ku jiro Macallin Qur’aan lagu laayey duleedka Balanballe iyo faahfaahin Magacyada

Maleeshiyo beelleed ku lebisnaa dareyska ciidamada ayaa duleedka degmada Ballanballe ku dilay dad shacab ah oo uu ku jiro macallin Dugsi qur’aan.

Falkan ayaa ka dhacay Tuulada Xersi Lugeey oo u dhaxeeya Balanballe iyo Guriceel, waxaana lagu laayey dadkan oo wararku sheegayaan inuu dilkooda salka ku hayo aano qabiil oo la xiriirta dilkii saraakiisha milateriga.

Ragga la dilay ayaa magacyadooda lagu sheegay:

1) Gaarane Cawil Samatar
2) Cabdi Xersi Carab Kaahiye
3) Cabdi Yare Maxamed Aw-faarax
4) Caddaawe Xersi Lugeey
5) Cali Dheere Xersi Cawaale

Dadkan la laayey ayaa kasoo jeeda Gurciceel, halka maleeshiyada dilka geysatay ay jasoo jeeda degmada Ballanballe. Waxaa falkaasi cambaareeyay mas’uuliyiinta iyo xildhibaannada kasoo jeeda degaankaasi.

Dagaal

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON