Wararka laga helayo dalka Masar ayaa sheegay in ilaa 6 qof oo Soomaali ah lagu xir xiray Magaalada Qaahira ee Xarunta dalka Masar, kadib howlgallo ay wadaan ciidamada Booliska oo ka socdadalkaas.
Booliska Magaalada Qaahira ayaa xaafadda Nasri City ee Bariga Qaahira ka qabtay Lixda qof ee Soomaaliga ah, waxayna dadkan isugu jiraan ardey iyo dad tahriib ahaa. Booliska Masar ayaa baadi goob ugu jira dadka sida sharci darrada ah ku jooga dalka Masar ee ay ka mid yihiin Soomaalida.
Jaaliyadda Soomaalida ee Magaalada Qaahira ayaa dadaal ugu jirta sidii dadkaas looga sii deyn lahaa xabsiga, iyaga oo maamulka xaafadda iyo booliska kala hadlaya arrintooda siiba ardayda wax ka barata dalkaasi.
Marar hore ayaa Booliska Masaarida ay xabsiga dhigeen boqolaal Soomaali ah, iyadoo qaarkood la maxkamadeeyay, kuwa la sii daayey halka qaar kalena ay weli xiran yihiin.