Wednesday, June 25, 2025

Dadaal loogu jiro in Guddoomiyaha Aqalka Sare lagu qancinayo ka qeyb galka Xaflada Saxiixa Heshiiska

Waxaa magaalada Muqdisho ka socda dadaalkii ugu danbeeyay ee lagu doonayo in lagu qanciyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi inuu ka qeyb galo munaasabadda xeritaanka shirka.

Iyadoo xafladda xirirtaanka shirka lagu wado inay goor dhow ka furanto xerada Afisyooni ayaa haddana waxaa muuda inaan weli heshiis laga gaarin Guddiyada Doorashada Somaliland, waxaana arrintan ku guuleysan waayey Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Mdaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland Siciid C/llaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam.

Siyaasiyiinta garabka Cabdi Xaashi ayaa xalay soo saaray qoraal ay ku caddeeyeen inaysan qeyb ka ahayn oo aysan quseyn shirka Muqdisho iyo go’aanada lagu gaaray.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in xubno ka mida Midowga Mushariixiinta ayna ka mid yihiin Madaxweyneyaahii hore Xasan Sheekh Maxamuud, Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisal wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre iyo xubno kale ay tageen Guriga gudoomiye Cabdi Xaashi, si loogu qanciyo inuu heshiiska ogolaado, kana qeyb galo xafladda saxiixa heshiiska ee maanta.

Madaxda maamul Goboleedyada ayaa go’aan ku qaatay in xafladda heshiiska lagu socdo xitaa haddii uu ka maqnaado Guddoomiyaha Aqalka Sare, inkastoo rajada laga qabo inuu shirku kasoo qeyb galo ay adag tahay

Cabdi Xaashi oo ay galbinayaan xubnaha Midowga Musharixiinta, xildhibaanno iyo siyaasiyiin ayaa kusii jeeda xarunta Shirka ee Afisyoone.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON